”Waa dabbaaldegyo lagu caabudo shaydaanka” – Siyaasi ku baaqay in iskuullada laga mamnuuco dabbaaldegyada Halloween-ka

0

(Moscow) 26 Okt 2018 – Xildhibaan muxaafid ah oo la yiraahdo Vitaly Milonov, ayaa wasiiradda waxbarashada Ruushka, Olga Vasilyeva, ka codsaday inay mamnuucdo dabbaal degyada Halloween oo uu sheegay inay yihiin falal “fal shaydaan ama shaydaanka lagu caabudo.”

via GIPHY

 

Milonov ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin fara badan oo ka imanaya waalidiinta carruurta oo uu sheegay in ay ka walaacsan yihiin dabbaal degyada Halloween oo lagu soo kordhiyay iskuullada iyo kulleejooyinka ay carruurtoodu dhigtaan.

“Carruur badan bay haatan iskuulladu ka dhaadhicinayaan inay ka qayb qaataan dabaal degyada mugdiga ah, waxaana lagu khasbaa inay iskuulka ku sawiraan muuqaallo loo nisbaynayo awoodo madoow iyo shayaadiin.” ayuu yiri Milonov oo sheegay inay taasi keenayso inay carruurtu shayaadiin caabudaan ama xitaa is dilaan.

Hadalsame Media