DAAWO: Sida rajo been ah loo geliyay Khashuuqji, fasixitaanka shaqaalihii Turkiga ahaa, sida loo muddeeyay dadkii Fiisaha rabey & wax kasta oo ku saabsan sida ay Qunsuliyaddu u qorsheeysay khaarajinta Khashuuqji (Dokumenteri dhan & doorka Sabah)

0

(Istanbul) 21 Okt 2018 – Sabah waa warsidaha loogu akhriska badan yahay dalkaasi Turkiga iyagoo aad gacan wayn uga gaystay werinta sheekada khaarajiska ah ee Jamaal Khashuuqji oo ay ahaayeen kuwii bilowgiiba soo bandhigay.

”Waxay ahayd sheeko sirdoon, mid diblomaasiyadeed, iyo sidoo kale sheeko dembi.” ayuu yiri Ferhat Unlu oo ah weriye dabagalka sameeya oo ka tirsan Sabah.

Sabah wuxuu ahaa wargayskii bilowgii baahiyay dayuuradda khaaska ah ee in yar ka hor soo degtey maalintii dilka Khashuuqji kaddibna duushay, sidoo kale waxay soo saareen sawirrada 15 nin oo khaarajiyayaal ah oo dayuuraddaasi siddey.

Halkan hoose ka DAAWO…

Waxay kala degeen laba hoteel oo in yar u jira Qunsuliyadda, iyagoo Qunsuliyadda uga soo hor maray Khashuuqji iyagoo ku jooga laba gaari oo mad madoow oo taargooyin diblomaasiyadeed wata, iyagoo baxay saacad iyo 54 daqiiqo kaddib. Waxaa nimankaa hoggaaminayay Maher Cabdulcasiis Mutreb oo u dhow MBS. Waxay sheegeen in Khashuuqji la khaarajiyay kaddibna maydkiisa bannaanka loo bixiyay isagoo qayb qayb ah.

CODKII AY DHEGEYSTEEN

”Codka waxaan bilowgii maqalnay in Khashuuqji lasoo dhoweeyay, waxaa loo keenay bun iyo shaah, isagoo ku sugan qolka Qunsulka Guud, kaddib rag kale ayaa soo galay waxaana la geeyay qol kale, waxay bilaabeen inay ku qayliyaan oo su’aalo waydiiyaan, waxay deeto geeyeen qol 3-aad iyagoo bilaabay inay garaacaan, garaacaas ayuuna codku ku go’ayaa.”

Sabah oo ah warside uu leeyahay nin la yiraahdo Cumar Faaruuq oo ay aad iskugu dhow yihiin madaxwayne Erdogan ayaa aad u daba galay sheekadan, isagoo dabcan xiganaya ilo dhanka dowladda ah oo si ahaan warsidahan u adeegsatey qaab ay si dadban ugula gorgortanto Sucuudiga oo baxar ku jira iyadoo weliba adeegsanaysa gacan 3-aad.

QORSHAYNTII KHAARAJINTA

Khashuuqji ayaa la sheegay inuu Jimcihii ka horreeyay Talaadada la khaarajin doono uu tegey isla Qunsuliyadda, markaasoo si wanaagsan loosoo dhoweeyay, shaah la siiyay, looguna sheekeeyay si wanaagsan, iyadoo lagu yiri ”Soo noqo 4 maalmood kaddib” sida uu sheegay saaxiibkii Turan Kislakci, waana sababta dhalisay inuu is dhigto Khashuuqji oo xitaa saaxiibbo u digey kula dooday ”inaysan wax ba dhacaynin” maadaama buu yiri kolkii horeba lasoo dhoweeyay. ”Dad caadi ah ayaa Qunsuliyadda jooga” ayaa Khashuuqji laga soo xigtey.

Waxay ahayd soo noqosho aan laga soo noqon iyo dabin qoolan, Qunsuliyadda ayaa deeto si deggan u qorsheeysay khaarajinta Khasuuqji, tusaale ahaan, waxay fasaxeen shaqaalihii Turkiga ahaa ee Qunsuliyadda ka shaqaynayay, marka 2-aad dadkii soo doonan lahaa Fiisaha Cumrada Sucuudiga oo la muddeeyay maalin kale.

Kaddib waxaa dhacay wixii dhacay 2-dii bishan Oktoobar, waloow Dokumenterigan la sameeyay in yar ka hor qirashadii siyaasadaysnayd ee Sucuudiga oo aan weli keenin wax lagu qanci karo.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media