DHEGEYSO: Gabar booliiska loogu yeerey kaddib markii ay Af Soomaali ku hadashay! + Sawirro

0

(Portland, MA) 21 Okt 2018 – Gabar ka shaqaysa qaxwaha silsiladda ah ee Dunkin’ Donuts faraciisa gobolka Maine ayaa gabar Soomaaliyeed ugu hanjabtey inay booliiska ugu yeerayso — iyadoo weliba u diiddey inay u adeegto — maxaa wacay waxay af Soomaali kula hadashay qoyskeeda.

Hamdia Ahmed, 20 jir moodalad ah, ayaa cuntooyin ka iibsan lahayd Dunkin’ Donuts qaybta ku taalla magaalada Portland, waxayna deeto la hadashay qaar qoyskeeda ka tirsan oo dalabkeeda la qaada, sida ay Ms Ahmed u sheegtay Idaacadda Dadwaynaha Maine.

“Mar qura ayaan maqlay, ‘jooji qaylada. Dhegaha ayaad iga xanuujinaysaaye!’” ayay Ms Ahmed idaacadda u sheegtay. “Waxaana markaa nagu soo dhacday, ‘Maxaa baase dhacay? Goormaannu qaylinaynay? Kaliya waannu wada hadlaynay!.’”


Ahmed ayaa sheegtay in iyada iyo xubnaha qoyskeedu ay ku wada hadlayeen Af Soomaali, balse aanay sare u qaylinaynin (sida dabcan Soomaalida lagu xanto), sida ay ku doodday.

Waxaa ugu darnayd in xitaa looga dhaartay in dalabkeeda la qaado. “Ma waxaad ii xurmo tiraysaa inaan luuqad taada ka geddisan ku hadlay uun. Ma sidaa baa?” ayaa la maqlayaa Ms Ahmed oo gabadha shaqaalaha ah la yaab waydiinaysa. “Luuqad waxba kama khuseeyaan,” ayay deeto isku difaacaysaa gabadha shaqaalaha ihi, waliba waxay Xamdiya ugu yeertey ‘D—lo’.

Intaa kuma harine waxaa la wacay booliiskii, oo isna markii uu labada dhinac dhegeystey gabadha Soomaalida ah u jaray “digniin sanad ah” oo ah inaysan iman karin makhaayadda, maaddaama ay ku qaylisay gabar shaqaale ah isla markaana qas abuurtay.

Yeelkeede, mudaaharaad subixii lagu dhigay iridda makhaayadda, ayaa waxa Ms Ahmed lagu casuumay in ay la kulanto milkiilaha, kaasoo raalli gelin bixiyay, digniintiina la noqday.

Ms Ahmed oo dhigata University of Southern Maine, ayaa horay u sheegtay inay midab kala sooc kala kulantay Starbucks oo iyaduna markii dambe raalli gelisey baaritaan kaddib, sida lagu qoray News Center Maine, waxayna gabadhani caan ku noqotay inay tartanka quruxda uga qayb qaadatay madax saar sida uu qoray Teen Vogue.

Hadalsame Media