DAAWO: Magaalo Maraykanka ku taalla oo ”ballan” ay la gashay uga baxday Somaliland

0

(Clarkston City) 19 Okt 2018 – Waxaa horraantii bishii hore soo baxayay war sheegayay in magaalada Clarkston City, oo ka tirsan gobolka Georgia, ee dalka Maraykanku ay aqoonsataya madax bannaanida Somaliland.

Arrintan ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay dadaallo iyo ololayaal ay qaadeen qurba joogta Somaliland ee guud ahaan gobolka Georgia ee koonfur bari Maraykanka, kuwaasoo sheegay inay baarlamanka maxalliga ah ee magaaladaasi ku qanciyeen inay meel mariyaan mooshin lagu aqoonsanayo in Somaliland ay tahay dal ka madax bannaan Somalia.

Yeelkeede kaddib markii ay arrintii dood ka keeneen isla Soomaalida ku nool gobolkaasi, weliba kuwa reer woqooyiga ah ee diiddan in Somalila la kala jaro, isla Clarkston City ayaa go’aankaasi dib uga noqotay iyadoo uu duqa magaaladaasi sheegay in arrintan lagu kediyay oo ay aqoonsan yihiin hal dal oo Somalila la yiraahdo, go’aankii horena uu yahay waxba kama jiraan.

Halkan ka DAAWO ”aqoonsigii” hore…

Halkan ka DAAWO go’aankii dambe ee ka laabashada…

Hadalsame Media