Saddex eedaysane oo loo soo qabtay gubitaankii marxuum Axmed Dowlo

0

(Muqdisho) 16 Okt 2018 – Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Booliska iyo degmadaasi oo iskaashaday ayaa suurageliyay inay gacanta ku soo dhigaan saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen dadkii gubay, sidoo kalena dilay Marxuum Axmed dowlo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Yariisow ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku xaqiijiyay soo qabashada dadkaan. “Maamulka Degmada Yaqshiid iyo Booliska waxey ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo.

Waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada. Waqtigii danbiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay.” Ayuu yiri Yariisow.

Horay ayay Booliska Soomaaliya waxa ay u sheegeen falkaasi bahalnimada ah in dad loo soo xiray.

Hadalsame Media