Musharax u tartamayay xildhibaanimo oo lagu dilay Bam loo hoos galiyay kursiga xaafiiskiisa

0

Cabdul Jabar Qahraman oo ka mid ahaa musharixiinta u tartamaysa kuraasta baarlamaanka dalka Afghanistan ayaa saaka oo Arbaco ah lagu dilay gobolka Helmand.

Dhimashadiisa ayaa timid kadib markii waxyaabaha qarxa kursiga xaafiiskiisa loo hoos galiyay sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.

Ururka Talibaan ayaa sheegtay weerarkan sida uu sheegay Cumar Swak oo ah afhayeen u ah guddoomiyeha gobolka Helmand.

Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan. Weerarkan waxaa kale oo ku dhaawacmay sideed ruux oo rayid ah.

Waa musharixii tobonaad oo lagu dilo Afghanistan labadii bilood gudahood.

Hadalsame Media