Wararkii ugu dambeeyay wadahaladda Roobow iyo taliyaha nabadsugida qaranka

0

(Baydhabo) 07 Okt 2018 – Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay islamarkaana ah xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa ka socda wadahadalo u dhaxeeya Sheikh Roobow Abu Mansuur iyo taliska sare ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in taliye Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Maxamed Xuseen uu kulan la yeeshay Shiikh Roobow oo u sharaxan xilka madaxwaynenimo ee maamulka koofur galbeed.

Wasaaradda amniga qaranka ayaa dhawaan soo saartay qoraal ay kaga joojinayso Roobow inuu tartanta hoggaanka sare ee maamulkaasi sababo la xariira inay wali saaran yihiin xayiraaddo dhaqaale.

Wadahadalada ka socda Baydhabo ayaa la filayaa in go’aano rasmi ah ka soo baxaan hase ahaatee lama saadaalin karo masiirka siyaasadeed ee Sheikh Roobow ee ku aadan sida u sii wadan karo damaciisa ku aadan doorashada.

Qeybo badan oo ka mid ah bulshada koofur galbeed ayaa aaminsan in haddii loo doorto xilka hoggaanka maamulka koofur galbeed uu wax badan ka bedelo karo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab maadama uu aqoon fiican u leeyahay kooxdaas oo uu mar ka mid ahaa hoggaankeeda sare.

Hadalsame Media