Faahfaahin ku saabsan duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

0

(Muqdisho) 07 OKt 2018 – Duqeyn xoogan oo diyaaradeed ayaa Xalay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe ee Koofurta Soomaaliya sida ay sheegayaan illo xog ogaal ah.

Warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay gaysatay diyaarad aan illaa hadda la sheegin meesha laga leeyahay, waxaana duqeyntaasi ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanada xaramka iyo Kuunyabaroow.

Sida wararku sheegayaan waxaa duqeyntaan lala eegtay gaari nuuca raaxada ah oo loo maleynayo inay saarnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, hase ahaatee ma jiro wax war oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarnkan ugu dambeeyay.

Ciidamada Maraykanka ayaa xoojiyay weerarada nuucaan ah oo ay ku hayaan goobaha ay ku sugan ururka Al-Shabaab, waxaana ciidamada Maraykanku garab siiyaan ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media