Saamiyada Juventus oo hoobtay & shirkadaha uu Ronaldo xayaysiiyoo oo walaac muujiyay + Mid sawirkiisa iska dejisey!!

0

(Torino) 05 Okt 2018 – Sicirka saamiyada Juventus ayaa hoos u dhacay in ka badan 5% kaddib markii ay sii xoogaysteen eedaha kufsiga la xiriira ee dul hoganaya hanadka kooxdaasi ee Cristiano Ronaldo.

AFP ayaa werinaysa in saamiyada Juve ee suuqa saamiyada ee Borsa Italiana ay kusoo dheceen €1.25 abaarihii 11:00 maanta, taasoo ka dhigan hoos u dhac gaaraya 5.37%, waa arrin lid ku ah markii uu Ronaldo Talyaaniga yimid bishii Luulyo.

Sidoo kale sharikaadka uu iidhehda u sameeyo ee Nike iyo EA Sports, ayaa horay u sheegay inay walaacinayso arrintan kufsiga ah ee la sheegayo maaddaama ay qiimeeyaan sharafta haweenka, iyadoo weliba ay tan dambe dejisey sawirka Ronaldo.

Dhanka kale kooxdiisa Bianconeri ayaa laacibka u difaacdey qaab aysan ku qancin dad badan oo xeerarka nidaam wanaagga la socda, kaddib markii ay warka kusoo dartay in wax mar hore dhacay aysan bedelaynin taageerada ay u hayaan laacibkooda.

Hadalsame Media