AFGOOYE: Nin loo toogtey Turub uu bannadey dartii.!!

0

(Afgooye) 05 Okt 2018 – War naga soo gaaraya dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa tibaaxaya in degaan lagu magacaabo Sagaalaadka oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, goor dhow lagu diley in bastoolad ku hubaysnaa.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo u warramayay idaacadaha Muqdisho, ninka hubaysan ayaa bennedey dhallinyaro meel ku turbaysay, deeto waxaa meeshii ka dilaacay muran keenay inuu ninka dhintay basoolad lasoo boxo, waxayna wararku sheegayaan in laga saa’id caleeyay oo lagu diley isla bastooladdii uu watey.

Dadka goobta joogey ayaa sheegay in dhallinyaradii ninka dishey ay markiiba goobta ka baxsadeen, waxayna sheegeen in ninkani ka tirsanaa ururka Al Shabaab, waloow aan weli wax war ihi kasoo bixin maamulka Afgooye ee uu degaankani hoos tago.

Hadalsame Media