FAL-CELINTA BULSHADA: Juventus oo ku karaama seegtay Twitter ay Ronaldo ku taageertay xilli kufsi loo haysto!!

0

(Torino) 05 Okt 2018 – Juventus ayaa cambaarayn culus kala kulantay baraha bulshada kaddib markii ay hiillo u muujisay CR7 oo ay ku tilmaameen “laacib wayn” jeer uu wajahayo eedaymo la xiriira kufsi la qarinayay, isla markaana ay sharikaad uu iidheh u samaynayay sida NIKE iyo EA sheegeen inay eeddaa “walaac wayn” ka qabaan.

Camaaliqada reer Torino ayaan dabcan ku khaldanayn inay taageerto laacibkeeda oo ay ku khasirtay kharash ka badan €100 milyan oo euro xagaagii, balse waxa lagu haystaa waa sida in uu Cristiano Ronaldo “xiddig wayn yahay ama ay sheekadani dhacday 10 sano ka hor,” aysan qiil ugu noqon karin falka la isku haysto maaddaama aan cidina dood ka qabin xiddignimada laacibka, isla markaana inuu dembigu muddo hore dhacay aysan ka dhignayn inaan la isku qabsan karin.

Kaaga darane, naadiga ayaa sheegay eedaymaha kufsi ee ka dhanka ah Ronaldo – ee ay qabto gabadha Maraykanka ah ee Kathryn Mayorga, oo sheegtay inuu laacibku si xoog ah ugu kufsaday hoteel ku yaalla Las Vegas hotel sanaddii 2009-kii – “aysan bedeleeynin” aragtidooda ku aaddan laacibka.

Dad badan ayaa yiri ”Juve waxaa loo qaatay inay arrintan si kale uga hadasho ama ka gaabsato gebi ahaanba, waloow ay jiraan qaar ka tirsan taageerayaasha Juve oo ku dooday inay kooxdu xaq u leedahay inay xiddiggeeda difaacdo inta dembi lagu helayo ee hoos ka eeg.


v


Hadalsame Media