Ciidamo cusub oo tababar loosoo xirey + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Okt 2018 – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta dugsiga tababarka Booliska ee Gen. kaahiye tababar ugu soo xiray 600 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa loogu talo galay Sugidda Ammaanka magaaladda Muqdisho, waxaana Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ku sugnaa Guddoomiyaha Maamulka gobolkq Banaadir, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Sakiya Axmed, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Cutubyadii Tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay Gaada ka ciyaar Qurux badan iyo dhoola tus ka tarjumaya tababarka ay qaateen oo u socday muddo seddex bilood ah.

Ku-simaha Taliyaha ciidanka Booliska ahna Taliye ku-xiggeenka ciidanka S/Guuto Sakia Axmed oo munaasabadda ka hadashay ayaa ciidankaasi kula dardaarantay inay noqdaan kuwa kasoo dhalaala waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u hambalyeey Ciidanka tababarka loo soo xiray, waxaana uu faray in si wanaagsan ay ula dhaqmaan Bulshadda, ayna u naxariistaan.

Hadalsame Media