YAANYO-CANANAAS: Khudaar cusub oo Hidde-sidkeeda la macmalay oo dunida kusoo korodhay!!

0

(New York) 04 Okt 2018 – Khudaar naadir ah ayaa goor dhow lagu arki doonaa iskafaallooyinka Maraykanka, kaddib markii sida la sheegay la dhanbalay oo la macmalay Hidda-sidkeeda oo laga dhigay mid hufan, waxaa mirahan oo loo bixiyay groundcherry, ay guusheedu keeni karto in kuwo kale la diyaariyo.

Mirahan oo asal ahaan laga helay Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika ayaa u qaab eg yaanyada, waxayna asal ahaan ahayd mir duureed aan aad u bixin, waxaana lagu naanaysaa ”Dalag agoon ah”.

Yeelkeede, saynisyahannada machadka New York ee Cold Spring Harbor Laboratory ayaa macmalay Hidde-sidkeeda (DNA), iyagoo kasoo saaray mir intii hore ka ballaaran kana bixi og.

Waxay u adeegsadeen farsamada loo yaqaanno CRISPR, oo lagu tifaftiro Hidde-sidka, kaasoo sidoo kale loo adeegsado in aan xayawaanku xayr badan yeelanin, iyo in dib loo qaabeeyo (re programing) unugyada kansarku halleelay.

Waxaa haatan lagu guulaystey in mirahan oo sida Cananaaska u dhadhan eg, balse yaanyo u muuqaal eg bixitaankiisa la kordhiyo 50%, halka xajmiga abuurkiisa la kordhiyay 24%, waxayna si sahlan uga bixi kartaa meelo iyo cimilooyin badan, sida lagu qoray Nature Plants.

Hadalsame Media