AC MILAN VS OLYPIACOS: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Milano) 04 Okt 2018 – Waxaa caawa fiidkii ciyaaraya labada kooxood ee AC Milan iyo Olympiacos oo ku ballansan Koobka Europa League, heerkiisa guruubyada.

Dhanka Milan: Waxaa kaddib 2 kulan oo uu maqnaa dib safka ugu soo laabtay shiishyahanka Gonzalo Higuain oo ka mid ah laacibiinta kulankan loogu yeerey, waxaana markale daqiiqadda 1-aad isla dheelaya Suso iyo Castillejo oo wacdaro dhigay. Waxaan jir ahaan ash ahayn Cutrone. Daafaca waxaa safka kusoo noqday Zapata, dhexdana waxaa fursad helaya Bakayoko.

Dhanka Olympiacos: Macallinka Martins ayaa waloow uu dool yahay misna dheelaya shax weerar ah oo 4-2-3-1 ah, wuxuuna ku tala jiraa inuu Milan gurigeeda ku dhaawoco haddii ay u suurta gasho, iyadoo aysan labada kooxi muddo dheer is arag.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 99 G. DONNARUMMA, 21 MUSACCHIO, 93 LAXALT, 79 KESSIE, 11 BORINI, 63 CUTRONE, 10 CALHANOGLU
  • 93 JOSE SA, 4 CAMARA, 5 BOUCHALAKIS, 14 ELABDELLAOUI, 11 CHRISTODOULOPOULOS, 25 RODERICK, 18 HASSAN

GANAAXAN

  • Tsimikas

AAN LA HELI KARIN

  • Conti, Strinic, Montolivo, Caldara

Hadalsame Media