Horyaalka Talyaaniga oo kaalinta 2-aad ka xoogey EPL (Guushii 2-aad oo xiriir ah)

0

(Nyon) 04 Okt 2018 – Waxaa todobaadkan wada badiyay dhamaanba afarta kooxood ee Serie A ku meteleeysa Champions League, taasoo keentay inay ka sare maraan EPL-ka Ingiriiska dhanka qiimaynta UEFA.

Juventus ayaa 3-0 ku xaaqday Young Boys, Roma waxay 5-0 ku dubatey Viktoria Plzen 5-0, Inter waxay 2-1 ku martay PSV Eindhoven, halka Napoli ay 1-0 uga faraxalatay kooxdii sanadkii tegey timid final-ka Champions League ee Liverpool.

Markii intaa lagu daro Inter oo todobaadkii 1-aad garaacday Tottenham Hotspur, waxay Talyaanigu galeen kaalinta 2-aad oo ay awal horay ugu jirtey EPL, taasoo u ah guul kale maaddaama ay horay usoo dhaafeen Jarmanka oo ay kaalinta 3-aad ka qaateen.

Spain ayaa 1-aad si qurux badan ugu jira waxayna kooxihiisu leeyihiin 89,283 dhibcood, waxaana ku xiga Talyaaniga oo leh 67,440 halka England oo wax yar ka hooseeysa ay u dhacday 3-aad iyadoo leh 67,177. Germany (61,784), France (51,998) ayaa dhamaystiraya 5-ta horyaal ee sare.

Serie A ayaa muujinaya ifafaale soo noqosho, kaddib 10 sano ku dhowaad ay hoos u dhacsanaayeen, waxaana u daliil ah inay tahay markii ugu horreeysay ee ay 4 koox oo Talyaani ihi wada badiyaan Champions League heerka guruubyada tan iyo Nofeembar 2005.

Halkan ka eeg taxa kala sarraynta….

Hadalsame Media