DHACDO XANUUN BADAN: Nin seexday goob maydka lagu hayo oo isagoo nool la shiday + Sawirro

0

(Beaumont, Texas) 30 Sebt 2018 | Nin shaqaale ah oo ka howlgalayey meesha maydka lagu hayo ee Jefferson County ayaa si kama’ ah loo shiday isagoo muddo yar dambas ku noqday.

Sida ay sheegeen Waaxda Booliiska ee Beaumont Police Department, 48-jirka Henri Paul Johnson ayaa go’aansaday inuu woxoogaa indha guduudsado, isagoo dul seexday bareellaha maydka, kaddib markii uu shaqaynayay 16 saacadood oo xiriir ah.

Yeelkeede, markii uu hurdey, ayaa waxaa mayd u maleeyay mid kale oo ahaa 52-jir shil gaari kusoo dhintay oo isna goobta yaalley, isagoo u qaaday meel maydka lagu shido (crematory).

Inta aan qofiba fahmin khaladka jira, wuxuu durba u bandhignaa heer kul aad u badan oo gaaraya 1400 ilaa 1800 degree Fahrenheit, kaasoo dambas ka dhigay.”

Jenna Davis, oo ka mid ah dadkii la shaqaynayay Henri Johnson, ayaa intaa raacisay inay maqlaysay cabaad socdey muddo 15 ilbiriqsi ah kaddib markii la daaray mashiinka isagoo ku dhex jira.

“Bilowgii maynaan fahmin halka ay jabaqdu ka yeerayso. Balse markii aan khaladka fahamney wax laga gaarey ma jirin. Waxaan daminney mashiinkii, balse mar hore ayuu dambasoobey.”

FG: Shididda maydka (cremation) waa hab la mid ah midka ay Hindiusim-ku adeegsadaan ee qofka la shido si uu dambas u noqdo, taasoo ay sidoo kale ay adeegsadaan reer Galbeedka qaarkood.

Jenna Davis
Ninka la shiday, Henri Johnson

Hadalsame Media