DAAWO: ”Siyaasiga & siyaasadda Soomaaliya hal SHEEY oo looga dayan karaa ma jiro” – Ducaale

0

(Nairobi) 30 Sebt 2018 – Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ee Xisbiga Jubilee, Adam Barre Ducaale oo waraysi siinayay hilinka Universal TV ayaa ka hadlay waxyaabo badan kala khuseeyo Somalia iyo Kenya.

Ducaale ayaa ka hadlay ciidamada Kenya ka jooga Somalia, sababta ay mucaaradka Somalia ugu diideen inay Kenya ku qabtaan shirar looga horjeedo dowladda Somalia iyo arrimo kale oo la xiriira Soomaalida.

”Waa inay shirarkaa ku qabsadaan gudaha dalkooda sida Muqdisho, dowladduna waa inay taa u ogolaataa, lkn halkan kama yeelayno.” ayuu yiri.

”Ma jiro wax looga dayan karo Siyaasiga Somalia, baarlamanka Somalia waa midka qura ee dunida ku yaalla ee qaab qabiil iyo LAALUUSH lagu soo doorto,” ayuu yiri Ducaale oo dhaliilay qaabka ay Somalia siyaasad ahaan u shaqayso.

”Oday dhaqameedka ayaa la laaluushayaa, kaddib waxay soo dooranayaan madaxwaynihii lacagta ugu badan bixiya, kaddibna wuxuu soo dhisayaa dowlad musuq ah, baarlamanku marka uu baahdana wuxuu keenayaa MOOSHIN,” ayuu raaciyay, isagoo sheegay inuu laftiisu Somalia tegi karo oo haddii uu odayaal laaluusho la dooranayo.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media