“Nin walba waqtiga ayaa meeshiisa gaynaya. Arag halka uu Conte hadda joogo” – Diego Costa oo ku ridey Conte

0

(Madrid) 28 Sebt 2018 – Shiish wanaagga kooxda Atletico Madrid ee Diego Costa ayaa dhaliil kala dul dhacay macallin Antonio Conte oo uu ku sheegay sababtii uu uga tegey Chelsea.

Conte ayaa lagu xusuustaa inuu Costa farriin telefoon ugu sheegay inuusan hadda kaddib qorshihiisa qayb ka ahayn, taasoo keentay inuu Blues ka baqoolo isagoo bishii sanadkan u horreeysay ku biiray kooxda Atletico.

“Waxay ahayd waqti xun, balse eedda anigu ma lahayn. Dadku wax badan bay sheegeen, balse waqtigu isagaa qof kasta meeshiisa dhiga. Hadda eeg halka uu Conta joogo,” ayuu Costa ku yiri Marca.

“Chelsea xaalad xun baan uga tegey waxaana ugu wacnaa dhaqankiisa. Simeonr waa macallin si cad kuugu sheegaya haddii uusan ku doonayn, lkn Chelsea waa taa caksigeeda,” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media