Dayuurad F-35B ah oo uu Maraykanku leeyahay oo goor dhowayd burburtay!

0

(Beaufort) 28 Sebt 2018 – Dayuurad nooca guuxeeda ka dheeraysa ah oo F-35B ayaa ku dhacday gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka, meel uun 5 mayl u jirta saldhigga Beaufort Marine Corps Air Station (MCAS), sida ay sheegeen dadka degaanku.

Sherrif-ka booliiska degmada Beaufort County ayaa sheegay inuu shilku ka dhacay agagaarka Grays Hill, iyadoo ay shaqaalaha gargaarka deg degga ihi ay goobta u gurmanayaan, waxaana badbaaday duuliyihii.

Beaufort MCAS ayaa waxaa saldhigta 5 qaybood oo ku qalabaysan dayuuradaha F/A-18 Hornets iyo hal qayb oo F-35B ku dagaallanta, waana wada ciidamada cirka Maraykanka.


Hadalsame Media