RASMI: VAR oo loo adeegsan doono Champions League (Goorma?)

0

(Nyon) 27 Sebt 2018 – Aaladda Muuqaalka Kaalinta Garsooraha ee VAR, ayaa la adeegsan doonaa fasalka 2019/20 oo laga dhaqan gelinayo UEFA Champions League, iyo sidoo kale tiro dhowr ah oo ah tartamada UEFA maamusho.

Go’aankan ayaa lagu gaarey kulan ay saaka yeesheen Guddiga Fulinta UEFA oo ka dhacay xarunta UEFA ee Nyon.

VAR ayaa lagu bilaabi doonaa isla kulamada kala baxa ah ee isreebreeb-horaadka ah ee UEFA Champions League. Waxaa kale oo loo adeegsan doon 2019 UEFA Super Cup oo ka dhacaya Istanbul, sidoo kale UEFA EURO 2020.

UEFA ayaa ugu dambayn VAR ka dhaqan gelinaysa heerka guruubyada UEFA Europa League wixii loo gaaro 2020/21, iyo tartanka cusub ee UEFA Nations League Finals sanadka 2021-ka.

Hadalsame Media