Ruushka oo miigga Su-57 ku hubeeynaya gantaal ay cabsi ka muujisay NATO + Sawirro

0

(Moscow) 27 Sebt 2018 – Ruushka ayaa diyaariyay gantaal nooca lidka dayuuradaha ah oo 6 jeer guuxiisa ka dheereeya, kaasoo wax ka dili kara masaafo ka fog 300km ayaa lagu xiraya miigga jiilka 5-aad ee Su-57, oo ah miigga ugu casrisan Ruushka ee qaababka badan u dagaallama, isagoo weerari kara bartilmaameedyo muhim ah, isagoon halis gelin.

Dayuuradda guuxeeda ka dheeraysa ee Su-57 ayaa loogu tala galay inay la macaamisho dhigeeda ku qalabaysan tiknolojiyadda casriga ah sida kuwa Maraykanka, balse gantaalkan R-37M wuu ka wayn yahay wax kasta oo ay qaadi karto dayuuradaha iyada la filka ah ee Maraykanka, wuxuuna gantaalkani ku xiran yahay bannaanka isagoo aan halis gelinaynin awoodda ay dayuuraddani u leedahay inay raadeerka ka dhuumato.

R-37M waa gantaal shaqa galay 1985-kii, balse iminka la hormariyay, wuxuuna noocan la casriyeeyay gaari karaa 300km, iyadoo ay ilaha qaar sheegayaan inuu wax ka dili karo ilaa 400km, balse maaddaama uu ku socdo xawaare Mach 6 ah, wuxuu awood u leeyahay inuu dilo bartilmaameedyo dhib badan sida miigagga kale, wuxuuna suuqa haysanayaa inta ay NATO ka diyaarinayso gantaalka ay dhisayso MBDA ee Meteor.

Hadalsame Media