Duullimaad SHINNI darteed loo baajiyay!! (Sidee wax u dheceen?)

0

(Durban) 27 Sebt 2018 – Raxan Shinni ah oo ku uruurtay matoorka diyaarad laga leeyahay shirkadda diyaaradaha ee Mango, ayaa waxay diyaaradda ku kalliftay iney duullimaadkeeda ku hakiso garoon ku yaalla magaala xeebeedka Koonfur Africa ee Durban, sida ay faafisay BBC.

Kaddib waxaa loo yeeray khubarao ku takhasusutay dhinaca shinnida si ay raxanta shinnida ee ku habsatay matoorka diyaaradda uga soo saaraan, waxaana laga soo saaray shinni tiradeeda lagu qayaasay 20,000.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid aan badanaa dhicin, mid ka mid ah khubaradana wuxuu sheegay in loo badinayo iney shinnidu matoorka ku nasaneysay inta ay diyaaradda ka duuleyso.

Inta badanna urta matoorka ka soo baxeyso oo aan shinnida ku habbooneen markaad eegtana waxaa kuu soo baxaya ayuu yiri iney shinnidu dooneyn iney matoorka gaaguur ama hoy ka sameeysato.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradda Mango oo la yirahdo Sergio dos Santos, ayaa wuxuu sheegay raxanta shinnida iney matoorka ku soo degtay 25 daqiiqo gudahood waxayna hakisay seddex diyaaradood oo rakaab ah oo ka kici lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Boqor Shaka oo ku yaalla dalka Koonfur Africa.

Warbixintan oo laga soo xigtay bogga South Africa News24 ayaa wuxuu afhayeenku uu u sheegay muddada siddeedda sana ah ee uu shirkadda diyaaradda Mango uu la shaqeynayey inuu arrin noocaniah la kulmin. Shirkadduna waxay baahisay sawirro muujinaya dhacdadaasi.

Kooxda shinnida ka soo saareysay matoorka oo ka socotay shirkad shinnida ka shaqeyso oo la yirahdo C Company waxay howshu ku qaadatay in mudda ah, shaqaalaha gigada diyaaradaha ilaa ay fasaxaan iney diyaaradda duushana wax dhaqdhaqaaq ah maanan sameyn ayuu yiri.


Mr Dawson, oo ka mid ah xirfadlayaasha shinnida diyaaradda matoorkeeda ka soo saaray ayaa wuxuu sheegayaa iney hadda ka hor meela badan ay ka soo saareen Shinni noocaan ah laakiin ay marki ugu horreysay u tahay diyaarad matoorkeed shinnida ku fadhida inaan ka soo saarno.

Shinnidii diyaaradda aan ka soo saarnayna waxaan u geeynay ayuu yiri goob uu walaalkeey shinnida ku dhaqdo.Mike Miles, oo ah guddoomiyaha iskaashada shinnida soo saarta ee Koonfur Afrika ayaa wuxuu isna sheegay iney shiniidu matoorka ay ku nasaneysay oo ay muraad kale ka laheen.

“Maadaamaa inta badan matoorka uu saliid, dufan, shiirka gaaska iyo kuleylba aan laga waayin waa meel aan ku habbooneyn iney shinni guri ka dhigato ama gaaguur ka sameysato. Shinniduna goobaha nocaasi waxay ka doorbiddaan geedaha iyo goobaha kale ee la midka ah ee qallalan.”

Hadalsame Media