DHEGEYSO: Somaliland oo DABAQAYSA siyaasad dhinac ka bisil dhinacna ka ceeriin ah! (Faysal C Waraabe ayaa ka warramaya)

0

(Hargaysa) 27 Sebt 2018 – Magaalada Hargeysa, dadweyne fara badan oo ay ku jiraan gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex, xubno ka tirsan golaha deegaanka , madax dhaqameed , mucaaridka , iyo haween , ayaa si weyn ugu soo dhoweeyay gegida dayuuradaha Cabdikariim Xaaji Muuse Qalbi-dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan jabhadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF, kaasoo noqonaaya sarkaalkii ugu horreeyay ee ONLF ah oo lagu soo dhaweeyo Hargeisa.

Faysal ayaa sina ugu muuqda nin ka hadlaya midnimo Soomaaliyeed, taasoo aan ka lug bixi karin siyaasadda, dhinacna iska fogeeyay inay arrintaa kala hadlayaa dowladda la aqoonsan yahay ee haatan ugu yaraan magac ahaan u wada metesha Somalia, iyadoo warka Faysal u egyahay arrin dhinacna bisayl ka muujinaysa dhinacna ka cakiran oo sidata curiyeyaal is diiddan oo aan isla falgeli karin.

Waxaa intaa sii dheer, in uu warka Faysal u egyahay mid aan ka dhalanin fikir fog oo kasoo maaxdey dhankiisa ama dhanka maamulka Somaliland, balse uu yahay mid la iskaga lug darsanayo isbeddellada uu horseedka ka yahay RW Itoobiya Dr Cabbeey Axmed, taasoo jid iyo jaha la’aan ka dhigaysa siyaasadda Soomaalida oo marba gidaar aysan hubin ka boodda ama iska fuusha, isla markaana hadba isla beddesha qodobba aanay xiriir toos ah la lahayn.

Halkan hoose ka DHEGEYSO

Wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Cabdi Xaafid Cawil Ismaaciil.

Hadalsame Media