AADAN BARRE:- “Madaxweyne Farmaajo waa in uu ka roonaado madaxda maamullada gobollada, islamarkaana muujiyo dulqaad,”

0

(Muqdisho) 26 Sebt 2018 – Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka ee Kenya Aadan Barre oo wareeysi siiyay Telefishanka Universal ayaa si qota dheer uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee  Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Mr. Ducaale ayaa carabka ku adkeeyay in hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya ay iyagu is heystaan halkii laga rabay in ay bulshada u adeegaan waxaana uu xusay in howsha u taala ay tahay mid weyn.

Waxaa uu sheegay in waagii baryaba shacab lagu laayo gudaha Soomaaliya waxaana uu shaaca ka qaaday in la xalaalsatay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“In Farmaajo iyo Maamullada gobollada is heystaan habeen iyo maalin, In baarlamanka iyo dowladda is heystaan iyo waab kasta lagu laayo shacab, laba beri oo isku xigto oo nabad ay ka jirto magaalada Muqdsho hadda lama arko,” ayuu yiri Ducaale

Waxaa uu cod dheer ku sheegay in hoggaamiyaasha Soomaaliya ay ka gaabiyeen ayna dayaceen shaqooyinkii looga fadhiyay.

“Fikaraddii weynayd ee la rabay in waddanka la dajiyo, in waddanka laga sifeeyo Al-shabaab, in waddanka dib  loogu soo celiyo sharaftii uu mudnaa, fikraddaasi hadda way luntay, fikradda hadda waxay noqotay Soomaaliya in umaddii la iska horkeeno, afar sanana dowladda ay iska jirto, inay iyaga is qab-qabsadaan.”

Waxaa uu talo ahaan usoo jeedinayo Madaxweyne Farmaajo in uu ka roonaado maamullada gobollada, islamarkaana muujiyo dulqaad, isagoo xusay in sidoo kale madaxda maamullada uu kula talinayo in ay dowladda ixtiraamaan, lana shaqeeyaan, islamarkaana dhaqaalaha dowladda iyo ciidamada wax laga siiyo.

“Dowladda hadda Soomaaliya ka jirto iyo maamul goboleedyada umadda Soomaalida way ceebeeyeen, umadda Soomaalida waxa ay filayeen in ay kasoo baxaan way kasoo bixi waayeen, waa fikrad aniga ii gaar ah, ma ahan fikrad dowladda Kenya ay qabto,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

“Ninkii dowladda wax ka sheego in berri la weeraro waa laga fiicanyahay, Soomaaliya waa in lagu dhiso nidaam xisbiyo ah, waa in loo ogolaado xisbiyada in ay soo kacaan, xisbiyadaa in aan lagu dhisin qabiil oo lagu dhiso wadaniyad.

Waxaa uu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay isku dul qaataan dalkooda iyo dadkooda ugu adeegaan si daacadnimo leh oo midnimo ku jirto.

Hadalsame Media