SIXID: Kadib 30 sanno, Baanka Adduunka oo Soomaaliya si toos ah u siinaya deeq lacageed (Warbixin cusub)

0

(Muqdisho) 26 Sebt 2018 – Baanka adduunka (World Bank) ayaa ku dhaawaqay islamarkaana ogolaaday in malaayiin doolar uu ugu deeqayo dalka Soomaaliya muddo 30 sanno ah kadib, waxaana lacagahaas la doonayaan inay qeyb ka qaataan dib u habeynta lagu sameynayo hanaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Cadadka lacagta lagu deeqay Soomaaliya ayaa lagu sheegay $80 million (Sideetan Milyan oo doolar), waxaana ay noqonaysa lacagtii ugu horeysay ee si toos ah loo siin doono dowlad Soomaaliyeed 30 sanno kadib.

Baanka adduunka  ayaa ah mida hadda doonaya in Soomaaliya uu siiyo malaayiin doolar, kadib markii Baanku ay joojiyay wadashaqeyntii tooska ahayd ee kala dhaxeysay Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1991, burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Laakin qeyb ahaan shaqooyinkii taageere ee Soomaaliya waxaa uu dib u fasaxay Baanka adduunku sanadkii 2003-dii markaas oo uu sheegay in Soomaaliya uu ka taageeri doono arrimo la xiriira wax ka qabashada cuduradda sida HIV/AIDS-ka iyo barnaamijyo lagu hormarinayo xoolaha nool ee Soomaaliyaa iyadoo loo soo marsiinayay hay’addo maxali ah iyo kuwa caalami ah.

Lacagtaan hadda la siinayo Soomaaliya ayaa la sheegay inay marqaati ka tahay in Soomaaliya hormar wanaagsan ka sameysay dhinacyo badan oo xagga dowladnimada ah gaar ahaan maaliyadda, sida lagu sheegay warbixinta Baanka Addunka.

Baanka Adduunka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay, in dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho uu kala shaqeyn doono dhinacyada ay ka mid yihiin tacliinta, biyo nadiif ah, tamarta, iyo maaliyadda si loo taageero shacabka Soomaaliya.

Hadalsame Media