MUSTAFE CUMAR:- “Haraadiga maamulkii hore ayaa doonaya inay qalalaase ka abuuraan deegaanka Soomaalida,”

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2018 – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqooyin ka dhacay deegaanka Soomaalida, waxaana uu sheegay in wali koox uu ku magacaabay HEEGO oo ah buu yiri haraadigii maamulkii hore ay doonayaan in dhibaayooyin ay ka dhex abuuraan dadka deegaanka.

Madaxwayne Mustafe ayaa sheegay in kooxda HEEGO oo ah dhalinyaro ay abuureen madaxdii maamulkii Cabdi Illeey ay hadda doonayaan inay isku diraan shacabka deegaanka iyagoo isticmaalaya qabyaalad iyo waxyaabo kale.

Ciidamada amniga ayuu kula dardaarmay inay gacan bir ah ku qabtaan kooxaha qaska wada, waxaana sidoo kale uu ugu baaqay waalidiinta inay gacmaha qabsadaan ubadkooda gaar ahaan kuwa ka mid ah HEEGO.

Mr. Mustafe ayaa ku eedeeyay HEEGO inay u adeegayaan wax aan dan u ahayn deegaanka Soomaalida.

Qeyla-dhaanta Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa timid kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu iska hor imaad aan buurneyn uu ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Soomaalida kuwaas oo dhexmaray dhalinyaro sitay calanka jabhadda ONLF iyo kuwo kasoo horjeeday, waxaana ku dhaawacmay hal qof, booliska ayaa markii dambe xaaladda qaboojiyay.

Hadalsame Media