SAWIRRO: Ruushka oo Suuriya siinaya gantaalo ay ku duqayn karaan Israel & saxaafadda Yuhuudda oo CABSI muujisay! (Daawo)

0

(Moscow) 24 Sebt 2018 – Ruushka ayaa Suuriya ku hubaynaya gantaalaha masaafada dheer ee S-300 kuwaasoo ay Ruushku awal horay u joojiyeen codsi Yuhuudda ka yimid dartii, maaddaama ay gantaalahani gaari karaan meel kasta oo Israel ka tirsan.

Halkan ka akhri qoraalka warqaadka Yuhuudda ee Haaretz oo ka welwelsan gantaalahan

Ruushka ayaa horay Israel uga aqbalay inuu kansalo qandaraaskii uu gantaalahan ku siin lahaa Suuriya iyo inuu jabhado Iiraan raacsan ka ilaaliyo xuduudda ay Suuriya Yuhuudda kala leedahay dhanka buuraleeyda Golan Heights, balse haatan waxay Moscow ku dhawaaqday inay 2 todobaad gudohood gantaalahaa faraha ka saari doonto Suuriya.

“Israel iyada ayaa khadka dhaaftay, iyadoo ka gudubtey wixii ay Ruushka isku ogaayeen, haatanna wuxuu Ruushku tusayaa cidda meesha ka talisa,” ayuu yiri weriyaha Beirut-saldhigta ee Martin Jay.

”Israel waa inay laba jeer ka fikirtaa inay weerarto Suuriya haddii ay Suuriya hesho gantaalaha S-300.” – Haaretz

FILE PHOTO: A Russian Il-20 reconnaissance aircraft. © Sergey Pivovarov / Reuters
Ruushka oo Israel ku caddeeyay inay si kas ah gantaal uga gambatay dayuuraddii laga ridey ee Il-20

Gantaalahan S-300 ayaa dayuuradaha Israel aad ugu adkayn doona inay ka galaa baxaan hawada Suuriya ama duqayn ka gaystaan, waloow uu bandhigga gantaalahaasi ku xirnaan doono tirada Suuriya la siiyo iyo khibradda dadka ku shaqaynaya sida uu Nikolay Surkov, oo ah cilmi baare Moscow fadhiya oo ku takhasusay dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.

Israel ayaa qorshihii ay ka lahayd gantaalkii ay dayuuradda Ruushka uga gabatay ku fashilantay, iyadoo doonaysay inay qoorta isu geliso Ruushka iyo Suuriya oo uu haatan shilkaasi u noqday ”Khayrkii madoobaa.”

Madaxwaynaha Ruushanka, Vladimir Putin iyo WR Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo isku arkay Moscow, Maajo 9, 2018

Hadalsame Media