SAWIRRO: Askari sarqaansan oo toogtay TALIYIHIISA, kadibna isagii ayaa Isdilay (Digniin = Sawirradani dadka qaar uma roona)

0

(Muqdisho) 24 Sebt 2018 – Wararka laga helayo Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada millatariga ee dalkaasi uu maanta toogasho ku dilay talihiisii, waxaana dhacdadaani qabsatay warbaahinta caalamka.

Askariga dilka gaystay ayaa la sheegay inuu cabsanaa waxaana jiray murran dhexmaray labada askari. Sawwirro argagax leh ayaa laga soo qaday goobta toogashadu ka dhacday oo ahayd goob dhufeys ah.

Sawirrada la helay ayaa muujinaya in Askariga tuutaha xiiran uu markii hor banaanka u baxay oo uu fasax gaaban qaatay halka Talihiisuna uu sii hayay waardiyaha, laakin maxaa dhacay? Waxaa soo laabtay askariga fasaxa qaatay oo cabsan islamarkaana qamri ka dhargay, kadibna waxaa uu xabbad madaxa uga dhuftay saaxiibkiis.

 

Kadibna, askarigii cabsanaa ayaa arkay saaxiibkiis oo dhulka yaala oo dhintay, waxaana xigtay in isna uu xabad isku dhuftay, hase ahaatee waxaa sawirka ka muuqda in askariga cabsan halkii uu madaxa xabbada iska dhufan rabay uu la GAFAY isagana dhuftay DAANKA sidaasna uu ku dhintay.

 

Dhacdadaan ayaa noqotay midda ugu hadal-heynta badan warbaahinta caalamka saacadihii ugu dambeeyay.

Hadalsame Media