DEG DEG: Ruushka oo Israel ku caddeeyay inay dayuuradooda gantaal uga gambadeen (Daawo muuqaalka raadeerka)

0

(Moscow) 24 Sebt 2018 – Xog uu ururiyay raadeerka la shaqeeya gantaalaha daafaca cirka ee Ruushka ee S-400 ayaa muujinaya in dayuuraddii F-16-ka ahayd ee Israel ay si ula kac ah ugu saan tiratay dayuurad nooca wax basaasa ah oo uu Ruushku leeyahay oo ah Il-20, taasoo uu sidaa daraadeed ugu dhacay gantaal S-200 ah oo ay soo rideen ciidamada cirka Suuriya, kaasoo lagu ganay dayuuradda Yuhuudda.

Xogta uu ururiyay raadeerka S-400 ee yaalla saldhigga cireed ee Khmeimim ee gobolka Suuriya ee Latakia ayaa kashifay xaqiiqada ah in gantaalka Suuriya uu bartilmaameedsanayay dayuurad F-16 ah oo ay Yuhuuddu leedahay, taasoo ay Israel markii hore dafirtay.

Halkan hoose ka DAAWO….

Dayuuradda Yuhuudda ayaa si ula kac ah u marin habaabisay gantaalka oo ay kula saan tiratay dayuuraddan oo xilligaa hawada ku jirtey, taasoo keentay in gantaalka oo guux iyo kulayl raac ahaa uu jihada bedesho oo ku dhoco dayuuradda Ruushka 17-kii bishan Sebtembar.


Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay inay dayuuradda Israel ka faa’iidaysatey culayska iyo ballarka dayuuradda Il-20 oo ay uga gambatay gantaalkii cayrsanayay, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaraddaasi, Sarreeye Guud Igor Konashenkov oo xogtan dheeraadka ah warbaahinta la wadaagey.

Sawirka raadeerka hannaanka daafaca Ruushka oo wax kasta si waadax ah u muujiyay

Hadalsame Media