Mas’uul lagu eedeeyay inuu SIRO gudbin jirey oo xilkii laga xayuubiyay!

0

(Muqdisho) 24 Sebt 2018 – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia Md Cabdi Rashiid Maxamed Axmed ayaa soo saaray wareegto uu si rasmi ah shaqadii uga joojinayo Xoghayaha Joogtada ee Wasaarradda.

Xoghayaha oo magaciisa lagu sheegay Jamaal Qaasim Mursal ayaa waxay Shaqa ka joojintiisu salka ku haysaa eedeeymo isa soo tarayay oo dhowr mar loo jeediyay.

Wareegtada Wasiirka ayaa soo baxday 22-ka bishaan oo dorraad ku beegan, ayaa Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Batroolka ku eedaynaysa ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda, u gudbinta SIRAHA Wasaaradda dad kale oo aan Wasaaradda ka tirsaneyn iyo ashtakooyin badan oo kaga yimid dhanka Shaqaalaha Wasaaradda ka howlgala.

Hadalsame Media