Toogasho ka dhacday Magaaladda Bosaaso

0

(Muqdisho) 24 Sebt 2018 – Wararka laga helayo Magaaladda Boosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka illaalada Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas halka mid kale lagu dhaawacay.

Weerarka waxaa gaystay koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastooladdo waxaana wararku sheegayaan in weerarkani ka dhacay bartamaha Magaaladda, halkaas oo uu xiligaas ku sugnaa Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in hawlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen ugu yaraan sagaal qof oo qaar kood la sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii maanta.

Waxay ku soo beegmaysaa xili baryahaan laga dayrinayay ammaanka guud ee gobolka Bari gaar ahaan Magaaladda Boosaaso, iyadoona gobolka ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Hadalsame Media