Masuul ka tirsan Maamulka Somaliland oo tooray lagu dilay!

0

(Muqdisho) 18 Sebt 2018 – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxday dil la yaab leh oo ka dhacay tuulo ka tirsan gobolka Togdheer ee dhulka maamulka la magacbaxay Somaliland.

Nin ku hubeysana mindi ama tooray ayaa deegaanka Qori Lugud ee Gobolka Togdheer ku dilay shalay Isu duwihii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhulka ee Somaliland Somaliland Eng. Axmed Cawil Daryeel.

Marxuunka ayaa shaqo ka waday deegaanka Qori Lugud waxaana dilkiisu la xariiriyay sida la sheegay muran ka dhashay dhul.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaan ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan ninkii dilka ka dambeeyay mana jirto hadal ka soo baxay maamulka gobolka Togdheer oo ku saabsan dhacdadaan.

Hadalsame Media