Dagaallamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Gedo

0

(Muqdisho) 18 Sebt 2018 – Ugu yaraan 11 dagaalyahan oo ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya sida ay sheegayaan warar laga helay deegaanadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in inta u dhaxaysa degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaarey ee Gobalka Gedo ay ka dhaceen dagaalo culus uu dhaxeeyay ciidamada Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Jamaal Xasan Farey oo ah taliyaha ciidamada daraawiishta Jubaland ayaa u sheegay warbaahintta in dagaalada ay iyagu ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dhankooda ay ka dhinteen 5 askari halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen wuxuuna uu carabka ku adkeeyay inay dileen 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, hase ahaatee ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijiyay sheegashadaan.

Hadalsame Media