DHALIIL: 6 qodob oo koobaya khaladka wufuudda uu Aqalka Sare u kala diray maamullada

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2018 – Dhalliilaha Go’aanka Gudddoonka Aqalka Sare ugu diray Wufuud kala duwan Dowladda Goboleedyada (DG) oo Dowladda Federaalka ku eedeyay xadgudubyo badan. Dhalliilaha Maamuleed ee Go’aanka Aqalka Sare ugu diray wufuud kala duwan Magaala Madaxyada Dowlad Goboleedyada (DG) si loo xalliyo khilaafka ka dhex aloosan Dowladda Federaalka (DF) iyo DG waxaa ka mid ah:

1. Aqalka Sare wuxuu shaki geliyay ama uusan tixgelin jiritaanka Golaha Isbaheysiga Dowlad Goboleedyada (GI-DG) iyo Qiimaha Maamuleed ee War Murtiyeedka wadajirka ah (collective decision) ee lagu gaaray Magaalada Kismaayo 4-8 Setember 2018, madaama wafdi gaar ah loo diray DG kasta.

Warmurtiyeedka waa heshiis wadajir loo gaaray, Ra’yiga DG keli ah waa laga gudbay. Qodobka 52 lambarka 2 ee Dastuurka KMG ayaa sheegaya in DG sameysan karaan Isbaheysi ama Iskaashi dhexdooda ah oo aysan DF qayb ka laheyn.

2. Aqalka Sare wuxuu iska indhatiray eedaha ku qeexan warmurtiyeedka, wuxuuna la booday “Khilaaf” ama “hakinta wada shaqeynta DF iyo DG” oo ku timid eedeynta warmurtiyeedka ku faahfaahsan. Guddoonka Aqalka Sare waxaa u furnaa in Saraakisha Maamulka Aqalka Sare ( xirfadlayaasha maamul iyo la taliyayaasha) ka dalbado soo diyaarinta wixii faahfaahin ah iyo xogwarrran ah ee la xiriira eedeymaha ku qoran war-murtiyeedka, kaddibna dood ka furo.

3. Haddii uu seegay habkaas, waxaa kaloo u furnaa maamul ahaan in Guddoonka Aqalka Sare diro hal wafdi oo soo wada mara DG oo dhan, madaama war murtiyeedka DG ka tarjumayo mowqifkooda mideysan.

4. Waa Gacan dhaaf ama xadgudub in Wufuudda Aqalka Sare kala hadlaan Hay’adaha Kale iyo dadweynaha DG eedaha ku qoran War Murtiyeedka ka soo baxay Madaxweynayaasha DG. Xilka Wufuudda Aqalka Sare waa inuu ku ekaado sugidda nuxurka eedaha loo jeediyay DF oo laga rabo jawaab waafi ah.

Haddii kale, tallaabada Gddoonka Aqalka Sare waxay xoojineysa fowdada iyo jaahwareerka Maamulka Dowladnimo. Dacwaddu waxay u dhexeysa Madaxweynaha DF iyo Madaxweynayaasha DG. Waa in la helaa Jawaabta Madaxweynaha DF oo kaashanaya Ra’iisul Wasaaraha. Qodobka 51 lambarka 3 ayaa tilmaamaya habka ka hortagga khilaaf ka dhex dhasha DF iyo DG.

5. Dhinac kale, Aqalka Sare waxaa seegtay inuu qabto marka hore dhegeysi DF wax looga weydiinayo arrimaha lagu soo eedeyay ee ku qoran War-Murtiyeedka si ogaado difaaca DF inta aan wufuudda la dirin.

6. Go’aanka Guuddonka Aqalka Sare ma taagerayo aragtida ah in Aqalka Sare matalayo DG oo ka cabanaya DF.. Waxaa muhiim ah in Aqalka Sare raaco hab maamuleed waafaqsan dastuurka, sharciga, iyo habka maamulka wanaagsan si loo xaqiijiyo eedaha Madaxweynayaasha DG soo jeediyeen, isla markaana looga gaaro go’aan dhaxal gal ah oo kor u qaada horumarka maamulka dowladnimo. Xeer Jabab iyo maamulxumo waa fidno iyo dowlad la’aan.

Qore: Dr. Maxamuud M. Culusow

Hadalsame Media