Israel oo TACSI jees jees ah u dirtay Ruushka + Sawirro

0

(Tel Aviv) 18 Sebt 2018 – Israel ayaa Suuriya dusha ka saartay eedda dayuuraddii Ruushku lahaa ee Il-20 oo ay ciidamada cirka ee Suuriya kusoo rideen hawada gobolka Latakia, kaddib markii ay gantaal uga gambatay dayuurad F-16 ah oo ay Yuhuuddu leedahay.

Israel ayaa tiri “waxaannu muujinaynaa murugada shaqaalihii ku dhintay dayuuraddaasi Ruushanka, waxayna daba dhigtay inay eedda leedahay dowladda Bashar Assad “oo ay ciidamadeedu soo rideen dayuuraddan Ruushka,” kuwaasoo “si buuxda mas’uul uga ah” shilka dhacay, intaana kuma harine waxay sidoo kale Israel eed u tirisay Iiraan iyo kooxda Xisbullaah.

Vladimir Putin and Benjamin Netanyahu © Mikhael Klimentyev
Miyuu xumaan doonaa xiriirka Ruushka iyo Israel kaddib dhicista dayuuradda Ruushka?

Israel oo oohin yaxaaskeeda sii wadata ayaa sheegtay inay “diyaar u yihiin inay xogta muhimka u ah shilkan ay la wadaagaan Ruushka,” oo ay sheegeen inay la leeyihiin “is afgarad akhyaareed” ku saabsan in aan la isku safaadin.

F-16 ay leeyihiin ciidamada Israel

Hadalsame Media