Leonardo Bonucci oo aad uga caroodey arrin lagula kacay carruurtiisa

0

(Torino) 13 Sebt 2018 – Daafaca Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa isagoo caraysan furka ku xooran mid internet-ka ku dhibay oo carruurtiisa geeri u rajeeyay.

Dadabkan dhexe ayaa fasax ka qaatay kooxda Bianconeri sanaddii 2016-17, kaddib markii uu wiilkiisa Matteo uu si aad ah u bukooday, nasiib wanaag Matteo Bonucci wuu soo kabtay, balse Bonucci ayaa aad uga xumaaday farriin loosoo marsiiyay Instagram oo u dhignayd “Labadaada cunugba ha dhintaan”.

“Laga yaabee maalin uun inaan ku noolaan doonno duni tan dhaanta. Haatan waxaan kaliya doonayaa inaan ilmahayga ka dheereeyo meesha ay dadka noocan ihi ku nool yihiin,” ayuu yiri Bonucci oo caraysan.

“Duni cunfi iyo cadaawad ku dhisan. Koontadaada beddel, qof ku kaalmeeya u yeero, waa wax laga xishoodo, in aanu jirin qof kaa badbaadinaya yaqyaqsiga aad ku nooshahay.” ayuu yiri Bonucci.

Hadalsame Media