DAAWO: Madaxwaynaha Ruushka oo xarigga ka jaray layli ciidan midkii ugu waynaa qarniga 21-aad + Sawirro

0

(Siberia) 13 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Ruushanka ee Vladimir Putin ayaa xarigga ka jaray xarigga ka jaray layli millateri midkii ugu waynaa muddo 38 sanadood ah kaasoo ay ka qayb qaadanayaan inta badan ciidamada Ruushka iyo woxoogaa Chinese ah, kana dhacaya baro tababar oo ku yaalla gobolka Siberia.

Layligan ciidan oo qayb ka ah Vostok 2018, ayaa ah midkii ugu waynaa muddo ku dhow 4 toban sanaale, waxaana maanta oo Khamiis ah goobta tegey madaxwayne Vladimir Putin si uu u daawado ciyaar-dagaalkan ay ka qayb qaadanayaan.

Layligan waxaa ka qayb qaatay 300,000 oo askari, oo ay ku jiraan 6,000 oo kuwa cirka ah, ilaa 1,000 dayuuradood, helakabtarro iyo daroonno, ilaa 36,000 oo ah gawaarida gaashaaman ah iyo 80 markab oo kuwa dagaalka xoojiya ah. Waxaana ku jira tawaangida BMP-2 iyo BTR-82.

 

Md Putin ayaa xarigga ka jaray qayb kale oo ay ciidamada lugta Ruushku ku dhigayaan goobta tababarka ee Tsugol, isagoo ciidamada ku amaanay bandhiggooda, dhanka kalena sheegay in aanu layligan ciidan cidna liddi ku ahayn xilli sida uu u dhigay ay Ruushku doonayaan “jaalnimo wax dhisaysa.”

Hadalsame Media