Sawirro: Dalka Mali oo laga fuliyey Qalliin Cibaaro ah (Akhri)

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2018 – Waa gabar yar oo 6 sanno jir ah, una dhalatay dalka Mali oo ka tirsan qaaradaan Afrika. Waxay qabtay dhibaato dhanka wadnaha ah waxaana qalliin lagu sameeyey shalay oo Isniin ahayd.

Qalliinka waxaa wada fuliyey dhaqaatiir u kala dhashay dalalka Mali iyo Faransiiska, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysay oo laga fuliyo qalliin nuucaan ah dal Afrikaana.

Fanta Diarra oo ah gabadha yar ee qalliinka loo sameeyay ayaa markii hore laga sheegay xanuun dhanka Wadnaha ah oo illaa markii ay dhalatayba ay la dhibaataysnayd. Cudurkaan laga helay waxaa laga yaabaa in sidoo kale ay la il darran yihiin carruur badan oo kale uu dhalatay Mali, kuwaas oo qaar koodba laga yaabo in si loola tacaalo xanuunnadooda loo qaaday wadamo ka baxsan Afrika.

Nuuca qalliinka lagu sameeyay gabadhaan yar waxaa la yiraahdaa Open-heart Surgery…. Oo micnaheedu yahay in qalliin lagu sameeyo qeyb ka mid ah wadnaha oo waxyeelo yaartay.

Waan faraxsanahay. Waxaan la mid noqon doonaa carruruta asaagay ah…. Waan shaqeysan doonaa, waana guursan doonaa,” ayey tiri Fanta Diarra oo la hadashay wakaaladda AFP wax yar uun ka hor intii aan qalliinka lagu sameyn.

Waxay ka mid ahayd qiyaastii labo kun iyo shan boqol (2,500) oo carruur yar yar ah kuwaas oo hadda qaar kood wali sugaya in qalliin loogu sameeyo Cusbitaal ku yaala Magaaladda Bamako ee dalka Mali.

Cusbitaalka waxaa hirgaliyay ururka caafimaadka ee la yiraahdo French medical association La Chaine de l’Espoir.

Hadalsame Media