QORMO QOORAANSI MUDAN: ”Waxay igu naanaysi jireen DUGAAG” (Qaybtii 8-aad)

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2018 – Dabadeed aniga oo ka baqaya in uu seefta igu la boodo ayuu i wayddiiyay: ”Ma Waxshi baad tahay?” Magaca Waxshi in kasta oo weligayba la iigu yeedhi jiray haddana waxa aan mooday Nebi Maxamed wayddiinta in uu uga jeedo macnaha dhabta ah oo ah ”ma dugaag baad tahay?”. ”Haa, waxa aan ahay Waxshi”, ayaan u celiyay. Waxa uu wax iga yara wayddiiyay dilkii Xamse, dabadeed waxa uu igu yidhi: ”War iga hor dhaqaaq oo mar dambe araggaaga ha i tusin!”

Neef weyn baa iga soo kudday, dadkayga ayaanan dhinac ka galay. Maalintaa ka dib nin muslin ah baan noqday, waxa aan se ku dadaalay in aan ka fogaado meel Rasuulku iga arki karo, sidii ay ballantayadu ahayd. Ma aan doonayn in aan Xamse xusuusiyo, sida aanu isaguba u doonayn in aan xusuusiyo.

Sidaas annaga oo ka la ah ayuu Rasuulku sallallaahu caleyhi wasallame xijaabtay. Jihaadka ayaan aniguna joogto uga qaybgalay, waxa aanan ka mid noqday ragga maalinta ay xun tahay lagu tashado. Waxaa se iigu qiimi badnayd goobtii Yamaama ee Abuu Bakar ku jebiyay murtadiintii diinta ka noqotay. Goobtaasi waa tii aan ku dilay ninkii kibirkiisu gaadhsiiyay in uu nebinnimo sheegto ee lagu magacaabi jiray Museylima al-Kaddaab.

Halkan dhacdada xiisaha lihi waa hootada aan ninkaa ku dilay oo ahayd isla tii aan ku dilay halyeygii Xamse. Muslinku waa ay i wada bogaadiyeen, waxa ayna wada yidhaahdeen ”wallee dhiiggii Xamse waad ka faraxalatay”. Waan jeclaan lahaa Nebi Maxamed dhacdadaa in uu soo gaadhi lahaa oo ogaan lahaa in aan hootadayda dhiiggii adeerkii uu jeclaa ugaga luqluqay dhiigga mushriggii weynaa ee uu necbaa. Waan malaynayaa in uu ii ducayn lahaa.

Maanta carriga Shaam magaalo ku taal oo Xumus la yidhaahdo ayaan daar dhex aallaa aniga oo dagaalka Roomanka si xun ugu dhawacmay. Sambabadu waa ay i daldaloolaan oo haddii aan sidan loo gufayn neeftu docaha ayay ka baxaysaa. U malayn maayo in aan ka kacayo, raalli ayaan se ka ahay noloshayda wax walba oo aan falay. Wax walba oo aniga la igu falayna, addoomintiina ku dheh oo, waan cafiyay oo saamaxay.

Waxa qudh ah ee aan jeclaan lahaa waa in aan arki lahaa dhulkii awowyaday. Jannada shahiidiinta loo ballanqaaday ayaan se haddii aan helo kaga samrayaa jannadii Xabashiyeed ee aanan weligay arag. Silic aad u badan baan dunida ka soo maraye, Eebbe jannadiisa waasica ah ha ii goglo! Amiin.

DHAMAAD…..

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Hadalsame Media