Dadka Sweden oo maanta u dareeraya doorashada guud

0

(Stockholm) 09 Sebt 2018 – Dadka reer Sweden ayaa maanta waxa ay u dareereen goobaha codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Ololihii doorashada dalkaasi ayaa waxaa hareeyay muranka ku saabsan dadka soo galootiga ah.

Hogaamiyaha xisbiga ka soo horjeeda dadka soo galootiga ah ee Sweden Democrats, Jimmie Akesson, ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in xisbigiisa ay guulo ka soo hoyin doono doorashada guud ee maanta dhacaysa.

Xisbiga Sweden Democrats, ayaa haysta fursad ay ku gali karaan kaalinta labaad ee xisbiga xubnaha ugu badan ku leh baarlamaanka dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven, ayaa ka digay khatarta ka iman karta taageerida dadka xagjirka ah.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka ay sanooyiinkii ugu dambeeyay galeen dad badan oo soo galooti ah.

Qaxootigan ayaa waxa ay inta badan ka yimaadeen dalalka bariga dhexe, Afqaanistaan iyo qaaradda Afrika.

2015 dowladda Sweden waxa ay qaadatay oo ay qaabishay 163,000 oo ah dad magangalyo doon ah.