“Dabeysha isbeddel ee Geeska Afrika waxay fursado ganacsi u furaysaa Soomaaliya” – RW Khayrre

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2018 – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyrre, oo maqaal dheer ku qoray Wargayska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray siyaasadda geeska Afrika ku daabacay, kaas oo uu cinwaan ugu dhigay “ Dabaysha is beddealaysa ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabbo ganacsi u furtay Soomaaliya”, sida lagu faafiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dedaalladii ay xukuumaddu samaysay ay ka mid yihiin inay isa soo dhiibaan qaar ka mid ah horjoogayaashii Kooxda Al-Shabaab , kuwaas oo ka qayb qaadayanaya dhismaha Qaranka.

“Maalmo ka hor heshiis gaareen Jabuuti iyo Eretrea, taas oo horseedeysa in ay dib u wanaajiyaan xiriirkoodii horay u  xumaa, isagoo xusay in ay taasi daba socotay guulihii laga gaaray kulamadii ay Magaalada Asmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea” ayuu qoray mudane Khayrre

R/wasaaraha ayaa sheegay in kulankii halkaasi ka dhacay uu astaan u yahay sida xalka ka gaarista arrimaha  Soomaaliya ay muhiim ugu tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata Gobolka, wuxuuna intaa raaciyay inay madaxdu ku heshiiyeen in laga gudbo waxyaabihii horay u dhacay.

Mudane Kheyrre ayaa sheegay tan iyo markii ay isaga iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo xilka qabteen in ay dowladda Soomaaliya gaadhay horumar wayn oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ah.

Dhammaystirka wada xaajoodka Jabuuti iyo Eretrea ayuu sheegay R/wasaaruhu in ay u xilsaareen inuu dhammeeyo Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si loo soo afjaro muranka dhanka xudduudaha ah ee Labadaasi dal.

Wadahadalada ka dhacay Asmara ayuu sheegay mudane Khayre in loogu tala galay in lagu xoojiyo guulaha laga gaaray wadahadalada kala duwan ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha Saddexda dal.

Dhanka kale ra’isalwasaare Khayre Mar uu ka hadlayay howlaha nabadeed ee ka socda geeska Afrika wuxuu sheegay in dowladaha Jabuuti iyo Eretariyaba ay si diirran u soo dhaweeyaan dadaalada lagu heshiisiinayo labada dal ee dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay.

Tobannaan sano labadaas dal waxaa ka dhaxeeyay muran la xiriira gobolka Doumeira. Waxaana jiray dadaallo aan lagu guulaysan oo la doonayay in colaadaas lagu xaliyo, waxaana ka mid ahaa kii ay  dowladda Qatar ee sanadkii 2010kii.

Isbadaladii dhawaan dhacay waxaa ay qayb ka yihiin Tilaabooyin Dublamaasiyadeed oo Soomaaliya ay qaaday, ayuu yiri Ra’iisalwasaare Xasan Cali khayre laba bilood ka hor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia  Abiy Axmed waxayna ka wadahadleen adkaynta iskaashiga siyaadeed iyo sidii dhidibadda loogu taagi lahaa xiriirka labada dal.

Wada hadaladii Asmara waxay dhigeen aasaas cusub oo dublamaasiyadeed. Soomaaliyana waxay si soo kordheysa u qadaneeysaa doorkeedii.

Waxaan dadaal muhim ah galinaynaa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Nabadda iyo Amaanka dunidda, ayuu sidoo kale yiri Ra’iisal wasaare khayrre.

 AMAANKA

Ra’iisalwasaare Khayrre  wuxuu xusay muhiimada ay Soomaaliya  u leedahay qabashada  guddoonka golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta taasi oo noo ogolaaneeysa ayuu yiri in aan kulanka golaha ku marti galinno Muqdisho  horaanta  2019, si aan Aduunka u ogeeysiino in aan ganacsi diyaar u nahay.”dowladeednu waxay dooneeysaa in ay la qabsato dabeeysha isbadalka  ee Geeska Africa si ay u horumarinno Amaanka gacanna uga gaysanno in xal loo helo dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka jira Africa,intii aan Asmaro joognay waxaan muujinay jihadda aan u jeedineeyno Dublamaasiyadeena inagoo ah wadan nabdoon oo gobal xasiloon ku yaala”.ayuu yiri Ra’iialwasaare Khayrre.

ARGAGIXISADA

Mudane Xasan Cali Khayre mar uu ka hadlayay sida dowlada Soomaaliya dadaalka xoogga  leh ugu bixinayso in dalka laga ciribtiro argagixisaa waxaa uu yiri “dowladdeenu waxay ku dhawaaqday Cafis, kaasi oo  horseeday in hogaamiyayaal horay uga tirsanaa argagixisadda ay  ka soo baxeen si aan u dhisno Qaranka. Qurbo joogta ayaa maalgalin muhiim ah sameeyay.

Dowlad shaqayneeysa ayaan maanta leenahay Waxaan mushaarka siinaa Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeena Amaanka, si aan ugu dhiiri galinno in ay aad u shaqeeyaan.

Waxaan sidoo kale soo celinay xiriirkii Wanaagsanaa ee Dunida aan la lahayn, waxaana tusaale wanaagsan u ah sida yididiilada leh ee hayadda Lacagta duida IMF-ta u soo dhawaysay isbadaladda kobcinta dhaqaalaha ee aan wadno.

Rubacii hore ee 2018 Dowladdu waxay soo aruurisay dhakhli dhan $42.5 million, oo ah tii ugu badnayd. Waxaan ku joognaa wadadii daynta nalooga cafin lahaa.

Hal hayska Dowladda Soomaaliya waa isla xisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa,Soomaaliya waxay joogtaa meel ay khayradkeeda uga faa’iideeyneyso Dadkeeda.

Waxaa maqaalkan  soo daabacay Wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa, kadib waraysi uu la yeeshay Ra’iisul wasaare khayre kaasi  uu kaga hadlayay Xaladda Soomaaliya iyo Dabaysha Isbadaladda wadata ee ka socota Geeska Afrika.

Hadalsame Media