”Balotelli CAQLI ma laha” – Arrigo Sacchi

0

(Roma) 08 Sebt 2018 – Macallinkii hore ee xulka Talyaaniga iyo AC Milan, Arrigo Sacchi, ayaa aad u dhaleeceeyay bandhiggii xulka Talyaaniga ee kulan bilowgiiNations League ee ay 1-1 la galeen dalka Poland.

Xulka Azzurri ayaa waxaa goolka ka dhaliyay Piotr Zielinski ka hor intaanu rigoore ku barbarrayn Jorginho, iyagoo Isniinta la ballansan Portugal oo ay Lison ku wajahayaan.

“Waxaan dhihi lahaa kubadda waa ciyaar wadareed oo aad fikrado u baahan tahay, balse waa inay noqdaan kuwo cad cad,” ayuu Sacchi u sheegay Radio Deejay.

“Kubaddu waa wadar balse caqligu aad buu muhim u yahay. Marka ugu horreeyn waxaan dooran lahaa laacibiin caqli leh. Waxaad u baahan tahay laacibiin deeqsi ah, shucuur leh oo xirfadleyaal ah, balse gaarigu ma socdo shidaal la’aan, caqli ayay marka ciyaartu u baahan tahay,” ayuu raaciyay.

“Marka uu Balotelli garoonka iska dhex wareegayo oo uusan isku dayaynin inuu xitaa raaco qorshihii ciyaarta, maxaad ku dhihi lahayd?” ayuu is waydiiyay isagoo sheegay inuusan caqli lahayn.

Hadalsame Media