DEG DEG: Musharraxa madaxwaynaha Brazil oo isagoo ololaynaya MIDDI la geliyay (Daawo)

0

(Juiz de Fora) 06 Sebt 2018 – Musharrax u janjeera dhanka midigta fog oo reer Brazil ah oo lagu magacaabo Jair Bolsonaro ayaa ubucda middi laga geliyay jeer uu ka ololaynayay magaalada Juiz de Fora, waloow la sheegay inaysan middidu aysan gudaha gelin.

Weriye meesha joogay oo dhowr tillaabo uun u jirey Bolonsaro ayaa si toos ah u qabtay sawirka siyaasigan oo la tuurriyaynayo, iyadoo la arkayo isagoo caloosha qabsanaya oo sii dhacaya.

Bolonsaro, ayaa markiiba lagula cararay gaari ah nooca SUV, waxaana wiilkiisa laga soo xigtey inuusan dhaawucu gudaha jirin oo uu aabihii hadda fiican yahay.


Hadalsame Media