QORMO QOORAANSI MUDAN: ”Waxay igu naanaysi jireen DUGAAG” (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2018 – Waxa aan ahaa neef, shay, wax la lee yahay. Sayladda ayay i geyn jireen, dabadeed sida xoolaha xubnahayga tuutuujin jireen, oo kolka ay i ka la iibsanayaan muruqyadayda, gacmahayga, ilkahayga iyo xitaa caadhkayga eegi jireen. Silsilad ayay sida dameerka igu hoggaamin jireen oo meesha ay doonaan i geysan jireen. Carruurtooda ayaan qudhunka ka bi’in jiray, naagahooda ayaan dharka u maydhi jiray, aqallada ayaan uga adeegi jiray oo cuntada ayaan u karin jiray.

Biyaha ayay igu soo dhaansan jireen oo xaabada ayay igu soo guran jireen. Dhagaxa wax lagu dhiso ayay igu jebin jireen, xoolaha ayay i raacsan jireen, hilibka ayaan u qali jiray. Waa ay i ka la ergaysan jireen oo kolba kooda hawshu ku badato ayaa i adeegsan jiray. Wax kale iska daaye xitaa kolka ay doonaan kooda aan dhalin oorida ayaan u rimin jiray. Waxa aan ahaa xoolo garaad leh — mayee waxa aan ahaa qalab iswada. Addoon baan ahaa. Addoon madow baan u ahaa Carabta Maka.

Waxa aan isu qirsanaa in aan dadnimadii ka baxay oo wax kale noqday, mooyi se xoolo iyo shay wax aan noqday. Oo haddaa maxaan u noolaa? Haa, maxaan xaaladda u qaayibay? Maxaan isu dili waayay, ama ha la i dilee wax u galaafan waayay? Runtu waxa ay ahayd, weligay ka ma aan rajo dhigin maalin uun in aan qofnimadaydii iyo dadnimadaydii soo ceshan doono.

Marka ay quusta ugu darani i saaran tahay waxaa jiray dhawaaq cirsankayeedh oo samofilasho iigu bishaareeya. Kolka ay murugadu sida gudcurka ii daboosho waxaa jiray ilays meel fog iiga bidhaama; ilayska gobannimada iyo bani aadamnimada. Yididdiiladaas ayaa ii ahayd tamarta aan ku socdo iyo sababta noloshayda.

Aniga oo sidaas ah ayaan helay fursaddii badbaadada oo nabsigu dabarkii iga furay. Dabadeed waxa ay eed iiga dhigeen in aan qofnimadaydii gobeeyay. Waxa ay eed iiga dhigeen in aan dilay ninkii dilkiisa lagu xidhay xornimadayda. Ma aan haysan fursad kale oo aan hoogga kaga baxo, waayo haddii aan Maka ka cararo dhankii aan u dhaqaaqaba waxaa iga xigay tolal carbeed oo kuwan i haysta la mid ah oo halka ay igu qabtaan igu dilaya ama igu addoominaya ama reerka aan ka baxsaday ii soo gacangeliya.

Dalkii awowyaday waa Xabashi, waxaana ka sokeeya buuro, bado iyo qabiilooyin carbeed. Fursad aan ku baxsadaa ma jirto. Waa dhiig ku fooldhaqo dabadeed adigana dhakhso ha laguu dilo, ama waa adduune waqtiga isbeddelaya badbaado ka dhex raadi. Qureesh iyo carab oo dhan colaad joogto ah baa ka dhex oogane haddii ay isku jabaan nolol baa iiga soo bixi karta.

Dawladdaydii Xabashiyeed ee awoodda badnayd ee Ilaahay rumaysnayd ee xaqu la jiray in ay soo duusho oo dhulkan timaaddo, sidii awalba dhici jirtay, waa suurtagal. In ay quwadaha Faaris iyo Room carabtan i addoonsatay cagta mariyaan oo qudhooda addoomiyaan iyadana waa la arkaa. Habeen iyo dharaar baryada Eebbe ayaan carrabka ku hayaa in uu iiga hiiliyo mushrikiintan xunxun ee carbeed ee sanam caabudka ah.

Waxa ay ii bixiyeen Waxshi. In aan madow ahay, in aan xoog weyn ahay, in aan dhiirran ahay, iyo in hootadaydu waxa ay haleesho xagga kale uga baxdo darteed ayay iigu bixiyeen Waxshi. Cay bay iiga dhigaan, laakiin yeelkadood. Waxa ay wada qirsan yihiin asalkayga xabashiyeed in uu yahay waxa hootada gacantayda ka baxda ka dhigay nabar aan laga kicin. Waa runtood oo waan hubaa haddii aan heli lahaa toban nin oo xabashiyeed oo aniga i la mid ah in aan Qureeyshta xunxun ee sanam caabudka ah edbin lahaa.

La soco qaybta 2-aad…

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Hadalsame Media