Haweenka oo la sheegay inay u baahan yihiin HURDO ka badan tan ragga!! (Sabab?)

0

(London) 01 Sebt 2018 – Daraasad cusub oo ay ka qayb qaateen ilaa 210 qof oo iskugu jira rag iyo haween da’ dhexaad ah ayaa waxaa kasoo baxday in ay haweenku u baahan yihiin ugu yaraan 20 daqiiqo oo dheeraad ah oo hurdo ah marka loo eego ragga.

Sida uu qabo Prof Jim Horne oo ka tirsan qaybta cilmi baarista hurdada ee Sleep Research Centre ee jaamacadda Loughbrough University ee dalka Britain, waxay dumarku u baahan yihiin hurdo dheeraad ah oo ka badan 8-da saacadood ee ku filan qofka wayn, wuxuuna sababta ka dhigayaa inay maskaxdoodu aad u shaqeeyso oo ay isku qabtaan howlo kala duwan (multi tasking).

Wuxuu sheegay in ragga maskaxda aad uga shaqeeysiiya ee go’aannada muhimka ah gaara ay laftoodu hurdo badan u baahan yihiin, balse ay ku filan tahay hurdo ka yar midda haweenka, sida uu ku qoray buuggiisa, Sleepfaring: The Journey Through the Science of Sleep.

Hadalsame Media