“Koobabkiinnu waa KAASH!!” – Taageerayaasha Roma oo bannaan baxay!!

0

(Roma) 01 Sebtembar 2018 – Taageerayaal caraysan ayaa ku bannaan baxay kooxda AS Roma, gaar ahaan qaabka ay u wajahado suuqa kala iibsiga, kaddib guuldarradii xalay ay 2-1 uga badisay kooxda Milan.

Kooxda Giallorossi ayaa horyaalka ku bilowdo si aan qurxoonayn, iyadoo kulankii 1-aad 1-0 uga badisay Torino, midkii labaadna waxaa 3-1 gaarsiisay Atalanta, ciyaar 3-3 ku dhamaatay, halka ay xalayna guuldarradii 1-aad kala kulantay kooxda San Siro.

Xalay saqdii dhexe, ayaa wejiga xerada tababarka Roma ee Trigoria lasoo dhigay farriin lagu durayo istaraatijiyadda kooxda ee dhanka suuqa.

“Scudetto iyo Champions League waa idinku badan yihiin. Koobabkiinnu waa uun kaash iyo faa’iido.” ayaa lagusoo qoray.

Taageerayaashaa ayaa gaar ahaan furka tuuray markii Strootman laga iibiyay Olympique Marseille jeer uu xiran yahay suuq xagaaga Serie A oo aan xiddig bedela la keeni karin,, halka ay Inter siiyeen Radja Nainggolan, Alisson Becker ayaa isna Mohamed Salah kula biiray Liverpool.

Hadalsame Media