Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Afgooye

0

(Muqdisho) 01 Sebteebar 2018 – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hawlgalo ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxaana wararku sheegayaan in 12 ruux oo la tuhmayo la xiray.

Hawlgaladaan ayaa ka dambeeyey kadib dagaalo ka dhacay degmada Afgooye habeenimo ka hor waxaana dagaaladii ugu dambeeyey gaysteen khasaare kala duwan.

Ugu yaraan labo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in la dilay dagaalo ka dhacay habeeno ka hor gudaha degmada Afgooye.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya Cumar Dheere ayaa sheegay in la soo qabqabtay 12 qof oo loo haysto inay ka mid yihiin ururka Al-Shabaab oo habeen ka hor degmada Soo soo weeraray.

Hadalsame Media