DHEGEYSO: Doorashada Sweden oo carqalad ujeedda leh lagu bilaabay!

0

(Stockholm) 30 Agoosto 2018 – Jeer ay wax todobaad aan sidaa uga badnayni ka hareen maalinta ay dhacayso doorashada guud ee Sweden, ayay ciidamada nabad sugiddu waxay sheegayaan inay arkeen kororka arrimo la doonayo in lagu saameeyo kalsoonida dadka ka qayb gelaya doorashada, sida middii Maraykanka iyo dalal kale.

Halkan ka DHEGEYSO…

Tusaale ahaan, waxaa dhici kara weerarro dhanka internet-ka ah oo lagu qaadayo hay’aadka iyo ururrada lala xiriirinayo inay maamulaan doorashada. Linda Escar, waa kaaliyaha madax-qaybeedka ciidamada amaanka Säpo, waxayna sheegtay in xitaa la bilaabay olole warbaahinta caalamiga ah loogu gudbinayo warar been ah oo Sweden u sawiraya sidii dal foowdo ah.

“Waxaan aragnay kororka howlo aan jirin marka la eego doorashadii 2014-kii, waxaa ka mid noqon kara weerarro elektaroonik ah oo dhanka internet-ka ah, ” ayay tiri Linda Escar, oo ah kaaliyaha madax-qaybeedka ciidamada amaanka Säpo.

Sida ay sheegayaan ciidamada nabad sugidda ee Säkerhetspolisen ama Säpo, waxay hayaan raadad ku aaddan, weerarro lagu bartilmaameedsanayo axsaabta siyaasadeed ama hay’adaha maamulaya doorashada, balse weli ma aysan bixinin xog mucayin ah ama tirada weerarrada ilaa haatan dhacay iyo cidda ka dambaysa, baaritaannada oo weli soconaya darteed. Sida ay qabto isla Linda Escar.

“Waxaannu gacanta ku haynaa dhacdooyin iyo howlo kala duwan, in aan sheegno cidda ka dambaysana waa hal xiraale ay baarayaan qaybeheenna kale ee sirdoonku, sida ay u badan tahay sawirka aannu doonayno wuxuu soo bixi doonaa doorashada kaddib,” ayay tiri Linda Escar.

Marka doorashada la eego, waaxaha amaanka iyo hay’adaha kale qaarkood ayaa kordhiyay u diyaarsanaanta ay kula macaamili karaan wax loogu yeero howlgallada saamaynta ee uu dal kale ama urur qalaad isku dayayo inuu saameeyo kalsoonida iyo dookha qofka codeeynaya.

Ciidamada amaanka Sweden ee Säpo ayaa ka digaya in ay weeraradaasi kordhi doonaan todobaadyada soo aaddan iyo xitaa maalinta doorashada oo ku beegan 9-ka Sebtembar, iyadoo waxyaabaha la isku deyi karo ay ka mid yihiin xogo been abuur ah oo bulshada la gaarsiiyo, sida halka laga codeeynayo iyo sida loo codeeynayo, Linda Escar ayaase sheegtay in arrimahaasi il gaar ah lagu hayo.

“Waxaa muhim ah in laga warqabo qofka xogta soo diray,  hay’adaha ka masuulka ah doorashada ayaa iyaguna u diyaarsan inay bixiyaan xogta saxda ah iyo sida wax loo sameeynayo, marka waa inaad raadsataa xogta saxda ah ee aad u baahan tahay, ” ayay tiri Linda Escar, oo ah kaaliyaha madax-qaybeedka ciidamada amaanka Säpo.

Hadalsame Media