NINBA HANKII: Netanyahu qaramo kale ayuu u faanay, SIYAASIGA Soomaaliguna qoowmiyaddiisii ayuu qabiillo u kala saaray!!

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2018 – Benyaamiin Netanyaahuu xalay wax uu ku faanay: “Dawladaha u gu doorran Bariga Dhexe iyo Israa’iil xidhiidhkoodu wax uu horteenna u ga dhacayaa si xawligeeda aan sannado yar ka hor la gu riyoon karayn, waana arrin yididdiilo weyn u leh dhammaystirka xayndaabka nabadda. Dadyowga liitaa meel ku ma laha nolosha gobolka, wax ayna baylah u yihiin gawrac wadareed, burbur iyo in gebigoodaba taariikhda la ga masaxo, waxaana jiraysa oo la ga haybaysanayaa oo heshiis la la gelayaa oo nabad la gu la noolaanayaa keliya ciddii xoog leh. Waa aynnu qirsan nahay in aynnu weli cadaw badan gobolka ku lee nahay, se cadawgeennu waa ay yaqaannaan siyaasaddeenna oo ah cidda ina taabata in aynnu karbaashaynno, cidda baabbi’inteenna ku hanjabtana aynnu iyada baabbi’inaynno.”

Ninkaasi ma uu kaftamin sow ma aha? Ciraaq, Suuriya, Yaman, Liibiya iyo Soomaaliya meel kale loo ga ma iman. Inta kalena qarqarsi baa ku yuurura, sida Masar, ama waa taa jisyada la ga guro, sida Sacuudiga.

Marka aad jiritaanka dadkaaga masuul ka tahay fikirkaaga iyo dhaqankaagu waa in ay sidaa Netanyaahu u shaqeeyaan, waayo masuuliyadda jiritaanku waa kuu geeri iyo nolol. Ma aha in aad Soomaalida kula dhex wareegto, qunjuraaf iyo wax aan macno lahayn.

Bal malee ummad ay aayaheeda ka adeegeen Ina Ileey, Muuse-Biixi, Cabdiweli, Axmed-Madoobe, Shariif-Sakiin, Xaaf, Siilaanyo iyo kuwa la caynadda ahi?!!

Allaah kariim!

AFEEF: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Waxaa Qoray: Ibraahim Yuusuf Hawd

Hadalsame Media