DHEGEYSO: Laba weerar oo dab ah oo xalay ka dhacay magaalada Stockholm + Sawirro

0

(Stockholm) 28 Agoosto 2018 – Waxaa xalaytoole dab lagu weeraray laba rugood oo ay dowladda hoose ee Stockholm ku leedahay xaafadda Tensta oo dhacda woqooyi galbeed Stockholm, iyagoo adeegsanaya taayirro holcaya oo ay xafiisyadaasi ku dhex tureen.

Waxay ahayd ku dhowaad 3-dii kaddib saqda dhexe, markii ay dheceen labada shil oo isu jirey wax ka yar 20 daqiiqadood, haddaba Najma oo ka mid ah dadka deriska la ah labada xafiis midkood, ayaa ka sheekaynaysa wixii ay maqashay.

‘’Xilli dambe annagoo jiifna ayaa wiishku yeerey, ma aynaan ogaan karaynin meesha ay sax ahaan ahayd, balse waa soo kacnay waxna ma arkin, saaka ayaa naloo sheegay in laba meel la gubey, ayay tiri Najma.

Labada meel ee gubatey waxaa xog dheeraad ah naga siiyay Cali Salaad oo ka mid ah shaqaalaha isla xarumaha la weeraray midkood, gaar ahaanna ka tirsan xafiiska Medborgarkontiret.

‘’Xalay waxaa ka dhacay laba weerar oo dab ah, mid wuxuu ka dhacay xafiiska wayn ee ay dowladda hoose ku leedahay Spånga Tensta, mid kalena Medborgarkontoret-ka ku yaalla Center-ka Tensta, ayuu yiri  Cali Salaad.

Xaafadda Tensta waxay ka mid tahay meelaha ay Soomaalidu ku badan tahay, waxaana goobta kula kulmay Cabdullaahi Iimaan oo markaa ka cuntaynayay makhaayad ku dheggan Medborgarkontoret oo ah isla xafiisyada la dabeeyay midkood balse isaga markiiba la damiyay, wuxuuna ka warramayaa dareenkiisa.

‘’Wallaahi wax lagu farxo maaha, aad ayaana uga xumahay, ma jeclaysanin, dhul nabad ah oo nidaam ka jiro, weliba hay’adihii u shaqaynayay shacabka in ay dhaawacyadaa iyo dhibaatadaasi soo gaarto aad baan uga xumahay, ayuu yiri Iimaan.

Sida Iimaan sheegay, haddii ay xafiisyadani ahaayeen kuwo u adeegayay shacabka xaafadda, muxuu weerarkoodu u dhimmi karaa xaafadda, waxaa ka jawaabaya ama ka af celinaya Cali Salaad.

‘’Runtii wax bay u dhimmi kartaa, tusaale ahaan, gurigii waynaa oo ay degmadu fariisan jirtey oo ay dhowr boqol oo qofi ka ka shaqeeynayeen, hadda waa xiran yahay oo qaac baa aad u galay, shaqaalihii qaar baa guryohooda ku shaqaynaya, qaarna waxay maanta usoo wareegeen xafiiska Medborgarkontoret, ayuu yiri Cali Salaad.

Booliiska ayaa baaritaanno farsamo durba bilaabay, iyadoo uu Fredrik Nyhlén oo ah sarkaal ka tirsan booliiska Stockholm uu mar sii horreeysey sheegay in ay maangal tahay in uu labada weerar xiriir ka dhexeeyo, haddaba ma jiraan cid ilaa iminka arrintan loo qabtay, Cali Salaad markale.

‘’Maya maya, weli howshu bilow weeye, waana howl booliis, wax aan maqalnay ama laga shakisan yahay oo aan maqalnay ilaa hadda ma jirto,’’ ayuu yiri Salaad.

Xafiiska ay fariistaan maamulka degmada ee Tensta oo isagu aad u gubtey oo aan tegey ayaa waxaa iiga muuqanayay dhaawac wayn oo uu dabku gaarsiiyay.

Hadalsame Media